shisheeye u gacan gelin

Warar aan la xaqiijin oo ka soo baxey magaalada hargeysa ayaa sheegaayo inmaamulayaasha Somaliland ay gacanta ka galiyeen laba ka mid ah 5 tii nin ee ay u qabteen weerarkii lagu qaadey shaqaalihii hay’adda GTZ bartamihii bishii marso ee tagtey ciiddamada mareykanka ee ku sugan dalka jabuuti
Sidda warku sheegaayo xiriir dheh marey labada dhinac ayey maamulayaashua Somaliland ugu ogolaaden in su’aalo la weydiiyaan isla markaane ay xauntooda ku soo baaraan ciiddamada mareykanku taliyihii kooxdaasi 5t ah jaamac cali ismaaciil (kuutiyiye) iyo daa’uud saalax lama ogo sababta rasmiga ah ee ciidamada mareykanku u doorteen labadaa nin marak alaga reebo maamulka Somaliland oo ragaasi ku tilmaamey argagixiso heer caalami ah halka warar kale ay sheegayaa in labadaa nin ay yihiin taliyihii kooxdqa 5T ah iyo ninka kale oo lagu qabtey agagaarka burco isaga oo wata mobile satarlayt Ah iyo waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin waxyaabaha qarxa ,warar kale oo sadaxaad na waxey sheegayaan in gebi ahaanba kooxda 5T nin ah loo gacan geliyey ciidamada mareykanka si ay baaritaan ugu sameeyaan laakiin mid ay tahayba lama xaqiijin waxeyna ku soo aadey xilli laba nin oo culimo lagu sheegey laga afduubtey muqdisho kuwaasoo aan la ogeyn halka lala aadey iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan indalka jabuuti la geeyey oo ciidamada marayka gacanta loo geliyey masa cada

Hargeysa Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ogolaatay baahinta sawirada nimankii lagu soo qabtay falkii Dhubato Ilaa Dhoqoshay, iyada oo koox suxufiyiin ahi ku booqdeen jeelka weyn ee Hargeysa.


Suxufiyiintu waxa ay halkaa ku arken shanta nin ee lagu soo qabtay falkii lagu dilay Haweenaydii Kenyaanka ahayd ee u shaqaynaysay hay’adda GTZ ee lagu soo qabtay tuulada Dhoqoshay ee gobolka Togdheer.
Shantaa nin oo suxufiyiintu sawiro iyo wareysiyo ka qaadeen waxa ay kala yihiin.


Farxaan Cabdule Maxamuud 21 jir ku dhashay magaalada Muqdisho degenaa xaafada Tawfiiq ee Muqdisho, kana dhashay qabiilka Hawiye, kana ah Mursade, waxna ka baran jirey madarasada Daarul Culuum oo ku taal magaalada Muqdisho.


Cali Maxamed Cawaale Qayre oo ku dhashay Gel-Dogob ahna qabiilka Habar Gidir, sheegtey 22 jir.
Cali Muuse Maxamuud oo isna ah qabiilka Duduble oo ah beesha Hawiye,
Jaamac Cali Ismaaciil Kuutiye Daarood Dhulbahante &
Daa’uud Saalax ku dhashay Turtuwaaray Isaaq, Habar-Yoonis, Sacad Yoonis
Shantaa nin oo markii la horkeenay weriyayaasha waxa ay qirteen inay fuliyeen falkii lagu dilay haweenaydii Kenyaanka ahayd ee lagu dilay Dhubato oo ku taal wadada dhaxeysa Hargeysa iyo Berbera. Iyada oo mid ka mid ah oo ah Cali Muuse Maxamuud uu qirtey inuu ku jirey falkii lagu weeraray gaariga hay’adda WFP sannadkii 2002, magaalada Hargeysa, balse kama ay hadlin cida ay ka tirsan yihiin iyo cida ka dambaysayba

Shantan nin oo markii weriyayaasha la horkeenay waxa ka muuqatay in si fiican loola dhaqmay daryeelna ay heleen oo aanay darxumaysan.
Iyaga laftoodu waxa ay sheegeen in marka laga reebo su’aalaha baaritaanka ah ee la weydiiyey in si fiican loola dhaqmay, isla markaana aanay wax dhibaato ah la kulmin.
Cali Muuse Maxamuud ayaa weriyayaasha u sheegay in uu Hargeysa hore yimi sannadkii 2002, isla markaana uu qayb ka ahaa falkii lagu fuliyey gaariga hay’adda WFP sannadkii hore.
Farxaan Cabdule Maxamuud ayaa weriyayaasha u sheegay in isaga Muqdisho isaga oo jooga uu ninka la yidhaahdo Cali Muuse ku wargeliyey in Hargeysa ay lacagtu iska taal-taal, isla markaana si hawl yar loo dhici karo, sidaa darteed uu u raaco Hargeysa oo ay soo dhacaan lacag

Laakiin wuxuu Farxaan intaa ku daray oo uu yidhi “Waxa iskaaya baray Jaamac Kuutiye ninka magaciisa la yidhaahdo Cali Muuse, isaga ayaananu markii hore Muqdisho wada joognay, markaa waxa aan Hargeysa imid afar maalmood falka hortii”

Daa’uud Saalax oo isagana la weydiiyey inta ay dhanayd lacagta ay ku iibsadeen gaarigii ay falka ku fuliyeen ayaa weriyayaasha u sheegay in ay lacagtaasi dhamayd 5700$.
Laakiin Daa’uud oo la weydiiyey bal imika sida uu u arko falkaa uu la fuliyey kooxdan waxa uu yidhi “Kolayba markii hore si aan ahaaba imika ayaan garanayaa wixii aan geystey, markaa kolayba horena uguma jirin, imikana halkan ayaaban ku jiraa”.

Cali Maxamed Cawaale oo isna la weydiiyey halka ay joogaan waalidkii ayaa sheegay inay waalidkii joogaan Magaalada Muqdisho, caaqilka qabiilkiisa hoosena la yidhaahdo Shaata-Cadde.


Jaamac Kuutiye ayaa isagu weriyayaasha diiday inuu siiyo wax jawaab ah.
Ogolaanshaha nimankan loo ogolaaday Saxaafada waxa ay ka dambaysay ka dib markii uu wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland waraysi uu siiyey Halganews ku sheegay in loo ogolaan doono saxaafada.


1,751 views 0 replies